Tuesday, October 14, 2025

Patrick Viera oo Magacaabay Kooxda ugu Cad-cad Ku Guuleysiga Premier League Xilli Ciyaareed Kaan

Halyeeygii hore ee Arsenal, Patrick Vieira, ayaa si qoto dheer uga hadlay fursadaha kooxdiisii hore ee Arsenal ay u leedahay hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa haatan hoggaanka u haysa tartanka, iyadoo hal dhibic ka sarreysa Liverpool, kaddib markii ay saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah ku dhammaysteen kaalinta labaad.

Xilli ciyaareedkii hore, Liverpool ayaa qaaday horyaalka kaddib laba sano oo ay Manchester City ku guuleysanaysay. Arsenal ayaa rajaynaysa inay jebiso rikoorkaasi, iyadoo kulanka xiga u safri doonta garoonka Fulham kaddib fasaxa caalamiga ah.

Vieira, oo hadda maamula kooxda Genoa ee Serie A, ayaa u Wargeyska sheegay Sky Sports

“Ma hubo haddii uu sannadkan yahay midkooda ugu fiican, sababtoo ah Premier League waa mid aad u adag, laakiin waxa aan ogahay waa in Arteta uu sameeyay hadal xooggan xagaagii isagoo keenay ciyaartoy tayo leh.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Waxqabadkooda garoonka ilaa hadda aad buu u wanaagsan yahay. Waxaan aaminsanahay in Arsenal ay ka mid tahay kooxaha yar ee dhab ahaan hanan kara Premier League.”

Vieira ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in kooxda ay diyaar u tahay inay dagaalanto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka:

“Waa inaad tirada ku dartaa Arsenal marka aad ka hadleyso kooxaha tartamaya, sababtoo ah ciyaartoyda ay soo iibsadeen waxay kor u qaadeen tayada kooxda.”

Halyeey kale oo Arsenal ah, Thierry Henry, ayaa isna horay u muujiyay kalsooni la mid ah, isagoo sheegay in kooxda Arteta ay haysato awoodda ay ugu dambayn ku hanan karto koob weyn xilli ciyaareedkan.

W/Q Maxamed Xasan Nuur Jillibeey

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles