Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas, Mudane Muxsen Maxamed Al-Daacari.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga labada Dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha amniga, ilaalinta xuduudaha iyo horumarinta xiriirka labada Dowladood.
Wasiirka Gaashaandhigga Wadanka Yeman Mudane Muxsen Maxamed Al-Daacari ayaa kulanka ka sheegay in labada Dowladood ay leeyihiin xiriir adag oo soo jireen ah, isagoo xusay in shacabka dalkiisa aysan marnaba ilaawi Karin taageerada joogtada ah iyo moqifka wanaagsan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u muujisay Dowladda yeman.
Safiirka Soomaaliya ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Yeman u gudbiyey salaam uu ka siday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Safiirka ayaa intaas kadib u sheegay Mr Muxsen in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada Dal iyo taageeridda dadaallada lagu gaarayo horumar iyo xasillooni.



