Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo haatan ku sugan gobolka Gedo, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay in ay wado qorshe halis gelinaya amniga, adeegyada bulshada, iyo xasiloonida gobolka.
Sida lagu daabacay boga Warbaahinta Jubaland, Warbixin dheer oo uu siiyey mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Madaxweyne ku-xigeenku kaga warbixiyay xaaladda bini’aadantinimo ee kasii dareysa qaybo kamid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.
Waxa uu sheegay in tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka sida xayiraadda garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariic horumarineed, iyo faragelinta maamulka deegaanka ay keentay dhibaatooyin ba’an oo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka.
“Waxaa muuqata in Villa Soomaaliya ay si ula kac ah u wado qorshe lagu duminaayo nidaamka Federaalka ee dastuuriga ah, taasoo khatar ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.
Wuxuu intaa ku daray in “shakhsiyaad dano gaar ah wata aysan noqon karin kuwa go’aamiya masiirka shacabka reer Gedo.”
Kulanka fogaan-aragga ah oo uu la yeeshay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dadaallada dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee muddo dheer colaaddu ka dhex jirtay, gaar ahaan degmada Luuq.
Waxaa la isku raacay in bil gudahood la qabto gogol nabadeed, si loo dhiso kalsoonida bulshada, iyadoo Qaramada Midoobay ay ballanqaadday taageero buuxda oo arrimahaasi la xiriira.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn baaq u diray waxgaradka Jubbaland, isaga oo ugu yeeray in ay mideeyaan codkooda si ay u difaacaan xuquuqda iyo masiirka gobolka Gedo, kana hortagaan, sida uu sheegay, faragelinta gardarrada ah ee Dowladda Soomaaliya.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka u dhexeeya Dowladaha Federaalka iyo Jubbaland uu mar kale cirka isku shareeray, iyadoo gobolka Gedo uu mar kale noqday xarunta xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya.