Sunday, October 12, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo uu wehlinayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga warbixin ka siiyay guusha dowladda Soomaaliya ka soo hoysay shirkii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu ansixiyay qaraar ay Soomaaliya kula wareegeyso arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka.
Kadib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday liiska sagaalka xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka, kuwaas oo la horgeyn doono kulanka guud ee Golaha Shacabka.
Sidoo kale, intii uu socday kulanka Guddiga Joogtada ah, waxaa ajandeyn lagu sameeyay kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles