Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar ay dhowaan baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Sweden, oo ku saabsan inay galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in arrintaas aysan waxba ka jirin.
“Eedeymahan waa kuwo been abuur ah, marin-habaabin ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn. Ma jirto heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay waddan kale oo ku saabsan dib u celinta muwaadiniinteeda Soomaaliyeed.
“Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden waa mid soo jireen ah, kuna dhisan is ixtiraam iyo sharciga caalamiga ah. Dhammaan wada shaqeynta iyo wada xaajoodyada waxaa lagu fuliyaa heer diblomaasiyadeed oo daah-furan iyadoo lagu hubinayo kormeerka Golaha Wasiirrada iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.