Monday, October 13, 2025

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo la kulmay danjirayaasha Talyaaniga iyo Qatar.

 Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafe Dhuxulow ayaa  kulan mirro dhal ah la qaatay danjireyaasha dawladaha Qatar ee Soomaaliya Cabdullaah bin Salem Al-nucaymi, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii taageero farsamo iyo horumarineed ay u siin lahaayeen hay’adda socdaalka.
Dhinaca kale agaasime Dhuxulow ayaa la kulmay danjraha dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya danjire Pier Mario Daccò Coppi, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, horumarinta adeegyada socdaalka iyo arrimaha danaha wadajirka ah ee labada dhinac.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles