Tuesday, October 14, 2025

Madaxweynaha Hirshabelle oo weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hadal kulul u jeediyay mucaaradka maamulkaasi, isaga oo sheegay in la soo dhaafay xilligii lagu xallin jiray khilaafaadka iyo cabashooyinka iyadoo la adeegsanayo hub.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada sanad guurada maamulka Hirshabelle, isagoo si toos ah u weeraray kooxaha mucaaradka ee ku eedeeya in maamulkiisu u shaqeeyo si hal dhinac ah.

“Waa laga soo tagay xilligii qori wax lagu jirin jiray. Haddii aad qori haysato, waa inaad ogaataa in cadow badan uu dalka soo galay, oo aan maanta la joogin waqti la isku hanjabo,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Hirshabelle guud ahaan, isaga oo sheegay in mucaaradnimada hubeysan ay dib u dhigayso nabadda iyo horumarka bulshada.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo soo noqnoqday gudaha Hirshabelle, gaar ahaan deegaannada Jowhar iyo Beledweyne, halkaas oo mucaarad siyaasadeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay marar badan ku dhawaaqeen diidmo ku aaddan hoggaanka hadda jira.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles