Sunday, December 21, 2025

Booliska Muqdisho oo xiray haweenay iyo rag ku eedeysan amni daro.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidanka ay soo xireen rag iyo haweenay lagu eedeeyay inay khal khal gelin ay ka sameeyeen garoonka kubada cagta ee Studio Muqdisho.

Qoraalka Booliska ayaa u qornaa sidan:-

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Warta-Nabadda, ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane oo kala ah Askari iyo shacab oo ku kacay fal halis gelinaya naftooda iyo tan dadweynaha.

Eedeysanayaasha waxay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

Ciidanka Booliska waxay uga digayaan dhammaan askarta inaysan hubkooda u dhiibin dadka rayidka ah, sidoo kale shacabku uusan hub ku ciyaari karin, muuqaalo halis gelinaya bulshada aan lagu duubi karin, Qof kasta oo lagu helo fal noocaas ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciyeed oo adag.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay afar eedeysane oo ku kacay falal halis gelinaya naftooda iyo tan bulshada.

Boolisku waxay dhalinyarada uga digayaan inaysan garoomada iyo goobaha dadweynaha la soo gelin waxyaabaha halista ah sida tooreeyada iyo sakiimaha, qof kasta oo lagu helo fal noocaas ahna waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciyeed oo adag.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles