Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaley, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Dable (XDS) Ibraahim Xasan Nuur Cabdi, kaas oo ku eedeysan inuu dhac iyo dhaawac u geystay muwaadin Soomaaliyeed, kaddib markii uu rasaas ku furay xilligii uu falkaasi socday.
War ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha hadda lagu hayo xabsiga Booliska, islamarkaana loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.
Booliska Soomaaliyeed ayaa bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna soo sheegaan cid kasta oo ku hawlan falal burcadnimo ama khalkhal ku ah xasilloonida magaalada.
Ciidamada amniga ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka wada magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha burcadda hubeysan ee dhaca iyo boobka u geysta shacabka.
Sida laga soo xigtay saraakiisha, inta badan dadka gacanta lagu soo dhigo ayaa ah ciidan hubeysan oo ka dhex hawlgala magaalada, kuwaas oo shacabka ka dhaca taleefoonada iyo hanti kale.




