Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey maalinta Dalxiiska Soomaaliya,
ayaa sheega in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisay adeegyada dalxiiska iyo horumarinta kaabayaasha dalxiiska Dalka.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in dalxiisku yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha dalka, kor-u-qaadista xiriirka bulshada iyo caalamka iskaashi joogta ah oo lala yeesho urur goboleedka Bariga Africa iyo IGAD.
“Dalkeennu waxaa uu leeyahay kheyraad dabiici ah iyo dhaqan soo jiidasho leh, Xukuumadda DanQaran waxaa ay dhiirrigelinaysaa maalgashiga Kaabayaasha dhaqaalaha sida Waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, Dekedaha, Amniga iyo dhammaan adeegyada taageera Dalxiiska”.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ugu dambeyn bogaadiyey howlwadeennada ka shaqeeya arrimaha dalxiiska Dalka.




