Saturday, December 20, 2025

RW Xamsa oo kullan la qaatay Agaasimaha hay’agga care ee Bariga&Bartamaha Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hay’adda Care International, Mr. Apollo Gabzira, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta mashaariicda hay’addu ka waddo dalka iyo sidii loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), oo qeexaya barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay hay’adda Care International taageeradooda ku aaddan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, dib-u-dhiska, xasillinta, bani’aadannimada, iyo wada-shaqaynta joogtada ah ee ay la leeyihiin dowladda.
Dhinaca kale, Mr. Apollo Gabzira ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan mashaariicda ay hay’addu ka waddo Soomaaliya, si gaar ah kuwa ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed, iyadoo lagu saleynayo mudnaanta bulshada iyo qorshaha Xukuumadda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles