Monday, February 2, 2026

Booliiska Galmudug oo xabsi ku guray dhallinyaro aflagaado u geestay Madaxweynaha

Ciidanka booliiska Soomaaliya , gaar ahaan qeybta Galmudug, ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro muuqaallo iska duubay iyaga oo u gafaya sumcadda Madaxweynaha Soomaaliya.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliiska Galmudug ayey deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud kasoo xireen afar dhallinyaro ah oo gabar ku jirto, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen gaf iyo sumcad dil.

Booliiska Galmudug, ayaana sheegay in dhallinyaradan ku kacay falka aflagaadada Madaxweynaha la horgeyn doono caddaalad, si loogu qaado ciqaabta dambiga ay galeen.

Magaalada Muqdisho, ayaa sidaan oo kale loogu xiray dhallinyaro baraha bulshada gaar ahaan Tiktok ugu gefay Madaxweynaha, kuwaa oon wali lasoo taagin maxkamad qaadeysa kiiska dambiga ay galeen.

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles