Tuesday, December 23, 2025

Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo midowga Yurub oo ka wada hadlay xal u helidda dadka ku barakacay dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa u Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub, Marwo Mayra.

Kulanka, oo ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee magaalada Nairobi, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha xal u helidda dadka ku barakacay dalka iyo meel-marinta sharciyada, sida sharciga qaxootiga iyo magangelya doonka.

Hay’adda ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii loo abuuri lahaa waxqabad muuqda oo xal loogu raadinayo bulshada barakacday, iyadoo la kaashanaysa daneeyeyaasha u heelan wax ka qabashada arrimahan.

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles