Sunday, November 16, 2025

Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa salaadda Subax kaddib waxaa ay weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen degmada Ceeldheer, halkaasi saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan uu socdo dagaal xooggan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka xoogiisa ayaa xiligan ka socda bannaanka degmada Ceeldheer sida dadka  ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaray saddex sano ka hor december 2023-ka.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen degmada Ceeldheer.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles