Monday, November 17, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ethiopia uga qaybgalay shir looga hadlay maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo looga hadlayey arrimaha la xiriira maalgalinta howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Kenya Mudane William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka amniga iyo xasilinta gobolka iyadoo si gaar ah loo dul istaagay ahmiyadda taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in taageerada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM ay muhiim u yihiin adkaynta guulaha laga gaaray kahortagga halista kooxaha khawaarijta ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles