Kooxda Liverpool ayaa wajahaysa dhibaato weyn oo difaac ah kadib markii Ibrahima Konaté uu diiday qandaraaskii ugu dambeeyay ee ay u soo bandhigeen, inkasta oo kooxda ay miiska soo saartay heshiis lacageed oo qiimo badan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Reds ay u bandhigeen difaaca reer France mushahar gaaraya £250,000 usbuucii, iyo gunooyin dheeraad ah. Si kastaba ha ahaatee, Konaté ayaa caddeeyay inuusan doonayn inuu mustaqbalkiisa fog ku meeleeyo Anfield.
Daafaca dhexe ee 25-jirka ah ayaa halkii uu ka aqbali lahaa heshiiska, oggolaaday inuu ku biiro Real Madrid, oo muddo dheer si dhow ula socotay xaaladdiisa. Los Blancos ayaa u aragta Konaté xoojin dabiici ah oo mustaqbalka difaaca kooxdooda, waxaana la rumeysan yahay inuu ciyaaryahanka isaguna diyaar u yahay dhaqaaqan.
Maadaama uu qandaraaskiisa Liverpool ku sii jiro marxaladihii ugu dambeeyay, diidmada ayaa kooxda ku ridday xaalad adag. Haddii heshiis aan la gaarin, Reds waxay halis ugu jiraan inuu si bilaash ah ku baxo sanadka dambe.
Arrintan awgeed, Liverpool ayaa la filayaa inay suuqa ka raadsato difaac cusub. Magacyada sida Marc Guéhi ayaa hore loola xiriiriyay, iyadoo kooxda ay ka go’an tahay inay hesho beddel haddii Konaté ku biiro Madrid.
W/Q Maxamed Xasan Nuur Jillibeey




