Dowladda Poland ayaa soo riday diyaarado aan duuliye lahayn oo dul heehaabayay dhulkeeda ka dib markii ay soo noqnoqotay xadgudubyada hawadeeda intii uu socday weerarka cirka ee Ruushku ku qaaday dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine, sida uu sheegay taliska hawl-galka ee ciidamada qalabka sida ee Poland.
“Intii lagu jiray weerarkii maanta ee Ruushka oo lagu bartilmaameedsaday bartilmaameedyo Ukraine, hawadeena waxaa si isdaba joog ah ugu xad-gudbay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” taliska Poland ayaa ku yiri bayaan uu soo saaray Maanta oo Arbaco ah.
“Codsi ka yimid Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa la isticmaalay hub, waxaana socda howlgallo lagu baadi-goobayo bartilmaameedyadii la soo tuuray,” ayay yiraahdeen ciidamada.
Ciidamada ayaa sheegay in diyaarado militari oo laga leeyahay Poland iyo Ururka Gaashaabuurta NATO la diyaariyay si loo xaqiijiyo amaanka hawada.
“Diyaaradaha Polish iyo xulafada ayaa ka hawlgalaya hawadeena, halka difaaca hawada ee dhulka ku salaysan iyo hababka sahanka radar la keenay heerka ugu sareeya ee diyaargarowga,” ayuu yidhi taliska hawlgalku.
Ra`isel wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa xaqiijiyay in “hawlgal uu socdo oo la xiriira xadgudubyo badan oo lagu sameeyay hawada Poland”.




