Monday, November 17, 2025

Tababarihii Kooxda Nottingham Forest oo Shaqada Tababarnimada Naadiga Laga Ceyriyey

Tababaraha kooxda Nottingham Forest Nuno Espirito Santo ayaa la ceyriyay ka dib 21 bilood oo uu maamulayay – iyo kaliya seddex kulan oo xilli ciyaareedka ah.

Booska tababaraha reer Portugal ayaa ahaa mid aan la hubin muddo laba toddobaad ah tan iyo markii uu si cad u sheegay in xiriirka isaga iyo milkiilaha Evangelos Marinakis uu xumaaday.

Waxaa socda wadahadalo ku saabsan bedelka Nuno, iyadoo ay dhowdahay ballan iyo maareeyihii hore ee Spurs Ange Postecoglou.

War qoraal ah oo la sii daayay saqdii dhexe ka dib, Forest ayaa uga mahadcelisay Nuno “wax ku biirintiisa xilli aad loogu guuleystey garoonka Magaalada” wuxuuna sheegay in “had iyo jeer uu meel gaar ah ku qaban doono” socdaalkooda.

51-jirkan ayaa la wareegay maamulka Forest bishii Diseembar 2023 kaddib markii shaqada laga ceyriyay Steve Cooper wuxuuna ka caawiyay inay ilaashadaan heerkooda duulimaadka sare.

Xilli ciyaareedkii hore waxa uu kooxda ku hogaamiyay kaalinta 7-aad ee kala saraynta Premier League-ga oo ay ku dhamaysteen kaalinta ugu saraysa tan iyo 1994-95- markii ay u soo baxeen Yurub markii ugu horaysay muddo soddon sano ah.

Guusha uu gaaray waxay keentay inuu saxiixo heshiis cusub oo saddex sano ah bishii June.

Forest ayaa hadda fadhisa booska 10-aad ee kala sareynta ka dib markii ay guuldarro 3-0 ah ka soo gaartay West Ham ka hor fasaxii caalamiga ahaa ee September.

W/Q Maxamed Xasan Nuur Jillibeey

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles