Sunday, November 16, 2025

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Gudaha ee Aljeeriya intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), iyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Ganacsiga Gudaha iyo Xeer-nidaaminta Suuqa Qaranka ee Aljeeriya, Mudane Tayyib Zitoni, intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Afrika (4–10 September 2025).
Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo furitaanka fursado cusub oo ganacsi iyo maalgelin ah.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen muhiimadda ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, wadaagista khibradaha, iyo kobcinta is-weydaarsiga ganacsiga si loo adkeeyo xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles