Kabtanka Hungary iyo xiddiga Liverpool Dominik Szoboszlai ayaa lagu ammaanay in uu noqon karo “mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka” kadib markii uu muujiyay qaab ciyaareed heer sare ah isagoo ka ciyaaraya boos cusub oo aan hore loogu adeegsan.
Macallinka Hungary Marco Rossi ayaa yiri: “Ciyaarta difaac ee Dominik Szoboszlai waxay ahayd mid wanaagsan. Wuxuu horey ugu caddeeyay Premier League in uu ka ciyaari karo boos kasta, laakiin waxaan aaminsanahay in uu noqon karo mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adduunka ee booska difaaca dhexe.”
W/Q Maxamed Xasan Nuur Jillibeey




