Monday, November 17, 2025

Trump oo war ka soo saaray weerarkii Ruushku ku qaaday Ukriane

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa booqan doona Mareykanka Isniinta ama Talaadada si ay uga wadahadlaan siyaabaha loo joojin karo dagaalka Ukraine, sida uu sheegay Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu dhowaan uu la hadli doono Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isla markaana uu muujiyay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu u gudubto wejiga labaad ee cunaqabateynta Moscow.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in cunaqabateyntu tahay “fikrad sax ah”, wuxuuna ugu baaqay dalalka Yurub inay joojiyaan iibsashada tamarta Ruushka.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Ruushku uu qaaday weerarkiisii cirka ee ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka, taasoo ay ku dhinteen afar qof isla markaana lagu garaacay dhismaha ugu weyn ee dowladda Ukraine ee Kyiv markii ugu horreysay.

Weerarka ka dib kaas oo Ruushku adeegsaday ugu yaraan 810 diyaaraha aan duuliyaha lahayn iyo saddex iyo toban gantaal oo ku garaacay Ukriane, Trump ayaa sheegay inuusan ku „faraxsanayn xaaladda oo dhan“

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles