Monday, November 17, 2025

Madaxweynaha Maraykanka oo Xamaaz siiyey Digniintii ugu dambeysay

Ururka Xamaas ayaa sheegay in ay Maraykanka ka heleen hindisayaal loo soo marsiiyay dhexdhexaadiyayaasha oo ku saabsan sidii xabbad joojin looga gaari lahaa Qasa.

Bayaan ka soo baxay Maraykanka ayaa Donald Trump uu ugu yeeray digniintii ugu dambaysay ee Xamaas ee ku aaddan in ay aqbasho heshiiska lagu sii daynayo la haystayaasha Israa’iil.

Sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil, soo jeedintii ugu dambaysay ayaa ah in dhammaan 48 qof oo la haystayaal ah oo intooda badan ay dhinteen la sii daayo maalinta ugu horraysa ee xabbad joojinta si loogu beddelo kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah. Waxaa sidoo kale la rajaynayaa wadahadal ku saabsan joojinta dagaalka.

Israa’iil ayaa la sheegay in ay si dhab ah uga fiirsan doonto qorshahan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles