Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed oo looga hadlay Xaqiijinta Amniga iyo Adkaynta Sharciga Ciidanka.
Shirka waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ciidamada Qalabka Sida, Wasiirka Amniga, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Saraakiisha Hay’addaha Amniga Qeybahooda kala duwan iyo Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60-aad.




