Kooxda Xamaas ee dagaalka jihaadka kula jirta ciidamada Israa’iil, ayaa ogolaatay heshiis xabbad-joojin dhameestiran, kaa oo lagu sii deynayo maxaabiista Israa’iil u dhalatay ee gacantooda ku jira , sidoo kale Israa’iil kusoo deyneyso dhankeeda Falastiiniyiin u xir xiran.
Israa’iil, ayaana lagu soo warramayaa in durba diiday dalabkan xabbad-joojinta ah ee Xamaas ogolaatay si maxaabiista labada dhinac la isku weydaarsado, waxaana war kasoo baxay xafiiska Netanahu lagu sheegay in dalabka heshiiskan cusub aysan ku jirin wax cusub oo xiiso gelin kara dhankooda.
Xamaas, ayaana ogolaatay in ay diyaar u tahay in maxaabiista ay hayaan sii deynayaan , haddii Israa’iil dhankeeda aqbasho heshiis dhameystiran , sidoo kale ay soo deyso maxaabiista iyana gacantooda ku jira kuna dhibaateysan xabsiyadda Yahuuda.
Warkan kasoo baxay Xamaas, ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku boorriyay kooxda in ay “si deg deg ah u soo celiso una deyso labaatanka qof oo la rumeysan yahay in ay weli nool yihiin gacantana ku hayaan.
Israa’iil oo duullaan cusub ku qaaday magaalada Qasa, ayaana wali halkaasi kawada xasuuq ba’an ay u geysaneyso shacabka markii horaba baahida u dhimanayay, caalamka ayaana kor ka eeganaya xasuuqa iyo dhibaatada ka taagan magaalada Qasa.




