Saturday, December 20, 2025

Ugu yaraan 15 Qof oo dhinteen Kaddib markii uu shil Tareen ku galay Caasimadda Lisbon ee Purtaqal.

Dowladda Boortaqiiska ayaa aad uga naxday ka dib markii 15 qof ay ku naf waayeen Shil Tareen ka dhacday Gloria funicular oo 140 jir ah, goobta Shilka Tareen ka Dhacay ay aheyd Goob dalxiis oo weyn oo ku taal caasimadda Lisbon.

18 qof oo kale ayaa loo qaaday isbitaalka, kuwaas oo shan ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka.

Shilkan Tareen ayaa ku dhintay dad ajaanib ah, inkastoo aan la xaqiijin karin dalalka ay u dhasheen, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Duqa magaalada Lisbon, Carlos Moedas, ayaa booqday Isbitaalka habeenimadii Arbacadii, isaga oo ku tilmaamay “waqti murugo leh oo magaalada soo food saartay”. Dowlada Portugal oo marti galin doonta duqa magaalada shirka golaha wasiirada Khamiista ayaa ku dhawaaqday maalin baroor diiq qaran ah.

Madaxweynaha dalka Marcelo Rebelo de Sousa ayaa muujiyay sida uu u damqanayo una garab taagan yahay qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay masiibadan.

Booliska iyo shaqaalaha kale ee gurmadka ayaa saacado badan ku sugnaa goobta, iyadoo baaritaanada kala duwan ee shilku ka dhacay shirkadda maamusha Funnicular-ka, hay’adda badbaadada gaadiidka qaranka, iyo booliiska dambiyada  ay bilaabeen.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles