Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire Mohammed El-Amine Souef, ayaa Taliska Guud ee AUSSOM ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Mareykanka, kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha U.S. Africa Command (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley.
Kulanka ayaa lagu lafa-guray taageerada Mareykanka iyo Midowga Afrika ay siiyaan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga si loo gaaro xasillooni waarta.
Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Souef, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee AUSSOM ku leeyahay geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Dhankiisa, Jeneraal Anderson ayaa bogaadiyay saameynta hawlgallada AUSSOM ay ku yeesheen xasilinta Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay in ay tahay booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago gobolka tan iyo markii uu xilka qabtay.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka, Sareeye Guuto Peter Muteti, iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Hillary Sao Kanu, iyo saraakiil kale oo sare.
Dhanka kale, Jeneraal Anderson ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca Hassan Omar Mohamed iyo Taliyaha Shaqaalaha Guud, Jeneraal Zakaria Sheikh Ibrahim. Kulankaasi ayaa lagu falanqeeyay arrimo amni oo muhiim ah, oo ay ku jiraan khataraha kooxaha argagixisada ee ka jira Soomaaliya iyo Yemen.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa Geeska Afrika oo xasilloon, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.