Ganacsade u dhashay Pakistan oo lagu magacaabo Saifullah Paracha oo 19 sano ka hor lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Bangkok, loona gudbiyay xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanka, ayaa gaaray Pakistan ka dib markii la sii daayay.
Bayaan kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan, ayaa lagu sheegay in la dhameystiray hannaanka Seyfyllahu dib loogu soo celinyay dalkiisa.
“Waan ku faraxsanahay in muwaadin Pakastani ah oo dibadda ku xirnaa uu dalkiisa ku soo laabto qoyskiisana la midoobe,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalkaas.
Waxay Waqti Jiilaal ah 2003-kii markii ganacsadaha reer Karachi ee Saifullah Paracha uu ka duulay Karachi isagoo u dhoofay Bangkok si uu ula kulmo ganacsade u dhashay dalka Mareykanka, laakiin kulankaasi ma dhicin.




