Monday, November 17, 2025

Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Balcad oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Balcad mudane Qaasin Cali Nuur (Furdug) ayaa Kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarineed ee SoDMA ka hirgelinayso Hirshabelle, gaar ahaan mashruuca Drought Response Project Fund – ARC Payout, oo ay taageerto African Risk Capacity LTD (ARC LTD), halka fulintiisana ay hormuud ka tahay SoDMA.
Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sida mashruucan loogu talagalay inuu wax weyn ka beddelo nolosha dadka nugul ee ku nool deegaannada Hirshabeelle, iyadoo la xoojinayo qorshaha qaranka ee ka jawaabista xaaladaha abaaraha.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa tilmaamay in iskaashiga joogtada ah ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe uu muhiim u yahay guusha howlaha hay’adda. Waxa uu carabka ku adkeeyay in SoDMA ay ka go’an tahay taageerida bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha nugul ee ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles