Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu Duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Xafiiska Soomaaliya Mudane George Conway.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Gargaarka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.