Friday, July 4, 2025

Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isku diyaarinaya todobaadka soo socda inuu martigeliyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu si uu u riixo xabbad-joojin dhexmarta Israel iyo Xamaas.

Donald Trump oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa ku andacoonaya inuu doonayo badbaadinta dadka reer Gaza oo in muddo ah ku jira dagaallo,baahi iyo barakac.

Xamaas ayaa raadinaysa dammaanad ah in hindise xabbad-joojinta cusub ee Maraykanku taageerayo ay noqoto dhamaadka dagaalka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow kooxdaasi.

Netanyahu ayaa ballan qaaday in uu dalkiisa ku soo celin doono dhammaan maxaabiista ay weli Xamaas ku hayaan Gaza,halka dhanka kale, dhakhaatiirta Gaza ay sheegayaan  in duqaymaha Israa’iil ee guud ahaan dhulka ay ku dhinteen 73 qof.

Madaxii hore ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ku eedeeyay kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh Mareykanka inay boqolaal Falastiiniyiin ah ku dileen Gaza, isagoo dhanka kale dhaleeceeyay waxqabad la’aanta Midowga Yurub.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles