Friday, July 4, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Uganda uga tacsiyadeesay dadkii uga dhintay Diyaarad kusoo dhacday Garoonka Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Uganda, kadib shilkii naxdinta lahaa ee khasaaraha ka soo gaaray 8 ruux oo saarneeyd diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen askarta Uganda, waxaana ay xaqiijisay in ficiladooda geesinimada leh ay muujineyso doorka joogtada ah ee Uganda ee taageerada horumarka iyo barwaaqada Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda muujisay sida ay uga mahadcelineyso naf-hurnimada ay u hureen ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

“Waxaan garab taagannahy waqtigaan adag oo aan xanuunka la qeybsanaynaa Shacabka Iyo Dowladda Uganda dadkii kaga geeriyoodey diyaaradii ay saarnaayeen oo ku dhacday Garoonka Aadan Cade”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Waaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Howlgalka AUSSOM iyo Hay’adda socdaalka ayaa isla baaraya waxyaabaha dhaliyay shilka ku yimid diyaaradaasi Helicopter ka ahayd.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles