Friday, June 27, 2025

Madaxweynihii hore Soomaaliya oo soo dhoweeyay wada hadalka u bilowday Dowladda iyo Mucaaradka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay wada hadalada u bilowday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka.

War saxaafadeed uu soo saaray ayuu shaaca uga qaaday in kulankii dhexmaray qaar kamid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu noqon karo bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah.
Waxa uu xusay in arrimaha masiiriga ay ugu horeeyaan dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka doorashada dalka, waxaana uu soo dhaweeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa.

“Waxaan sidoo kale markale hoosta ka xariiqaynaa kuna baaqaynaa in Dastuurka KMG ah ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah.” ayuu Farmaajo ku yiri warka uu soo saaray.

Waxa uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ah ee isku haynta iyo midnimada dalka.

Ugu dambeeyntii waxa uu soo jeediyay Farmaajo in lagama maar-maan ay tahay in Madaxweynuhu qaato mas’uuliyadda ka soo qeybgalka shirka ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland uuna si toos ah ugu martiqaado shirka loo balamay saddexda bisha luuliyo oo muhiim u ah in dalku yeesho jiho siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles