Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu lafa-guray diyaar garowga munaasabadda 26-ka Juun oo ah mid si weyn looga xusayo gudaha iyo dibadda dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xuska maalintaas uu u noqon lahaa mid ammaan ah, habaysan oo u qalma qiimaha taariikheed ee ay leedahay.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan guddiga qabanqaabada, saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga, iyo mas’uuliyiin kale. Intii uu socday, waxaa laga dooday arrimaha la xiriira amniga, isuduwidda hawlaha xuska, iyo kor u qaadidda wacyiga shacabka si ay ugu dabaaldeggaan xorriyadda si masuuliyadi ku dheehan tahay. Wasiir Bashiir ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladdu diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda, si munaasabadda 26-ka Juun ay u noqoto mid taariikhda baal dahab ah kaga qoran.
Munaasabadda 26-ka Juun waxay xasuus u tahay shacabka Soomaaliyeed maalintii ay gobollada Waqooyi xorriyadda ka heleen gumeystihii Ingiriiska 1960-kii. Waa maalin lagu xasuusto halgankii gobonimo-doonka iyo midnimadii Soomaaliyeed ee horseeday dhismaha qaran xor ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in xuska sanadkan uu noqdo mid la jaan qaada muhiimadda taariikheed ee maalintaas.