Wednesday, June 25, 2025

Iran oo toogasho ku fulisay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israa’iil.

Wakaalada wararka ee dalka Iran ayaa sheegtay, in Iran ay daldashay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israel.

Wakaalada Mizan ayaa sheegtay, in sidoo kale lagu helay dambi ah, in ay isku dayeen in ay dalka soo galiyaan qalab si ay “u fuliyaan dilal qorsheysan”.

Mizan ayaa magacowday Ali, Azad Shojai iyo Rasoul Ahmad Rasuul loo xiray inay isku dayayeen in ay “iskaashi wada shaqeyn ah” la galeen Israa’iil.

Iran ayaa sidoo kale xirtay 700 oo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaayeen Israa’iil intii lagu guda jiray dagaalka 12-ka maalmood socday, sida ay sheegtay warbaahinta gacan saarka la leh dowladda ee Nour News.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles