Wednesday, June 18, 2025

Wasiir Fiqi oo booqday Kulliyado ciidan oo ku yaal dalka Qatar.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College.

Waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda, Sareeyo Guuto Cali Maxamed Al-Fadaala oo Wasiir Fiqi iyo wafdigiisa kusoo wareejiyay qaybaha kala duwan ee Kulliyadda, gaar ahaan goobaha lagu tababaro ciidanka, fasallada waxbarashada iyo qaybaha maamulka.

Intii uu joogay Kulliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la kulmay Layli-saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta. Wasiirka ayaa kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen si ay dalka ugu soo laabtaan iyagoo xanbaarsan aqoon iyo xirfad ay uga qayb qaadan karaan amniga dalka iyo dib-u-dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles