Ciidanka Booliska ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa gacanta kusoo dhigay 23 eedeysane oo lala xiriirinayo kufsi wadareed iyo jirdil ka dhacay magaalada Laascaanood habeenkii Jimcaha, 14-kii Juun 2025, abbaaro 10:30 fiidnimo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Booliska, falkan ayaa lagula kacay labo gabadhood oo dhalinyaro ah. Booliska ayaa sheegay in 23 ka mid ah eedeysanayaasha lagu qabtay howlgal degdeg ah oo la fuliyay 48 saac gudahood, halka eedeysane kale uu wali baxsad yahay, balse ay ku raadjoogaan laamaha ammaanku.
Booliska SSC-Khaatumo ayaa hoosta ka xariiqay in dhammaan eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad, si loogu helo caddaalad buuxda, iyagoo adkeeyay in aan wax gabbasho ah loo samayn doonin falalka xadgudubka ah ee ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Taliska ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Laascaanood iyo guud ahaan bulshada SSC-Khaatumo in ay ku kalsoonaadaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay la shaqeeyaan marka ay la kulmaan dhacdooyin noocan ah, si si degdeg ah loogu gacan geliyo caddaaladda.
Ugu dambeyn, Taliska Booliska SSC-Khaatumo ayaa ballan qaaday in ay si rasmi ah u shaacin doonaan magacyada iyo sawirrada eedeysanayaasha, si kor loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo kalsoonida shacabka ee geeddi-socodka baaritaanka iyo caddaaladda.