Monday, November 17, 2025

Wasiirka amniga oo guddoomiyey kulan ku saabsan amniga caasimadda.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda mudane Maxamed Axmed Amiir, shir lagaga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda iyo qaadashada kaararka codbixinta ee isdiiwaangelinta dadweynaha.

Wasiirka ayaa ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo adeegyada ay siiyaan shacabka, gaar ahaan la shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka doorashada qof iyo cod.

“Waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay codkooda ku doortaan hoggaankooda. Waxaan bogaadinayaa maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay arrintan,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles