Thursday, June 19, 2025

Wasiirka Amniga oo uu wehliyo taliyaha Booliiska ayaa xarunta Gen Kaahiye ku qaabilay Wasiirka arrimaha guddaha Ciraaq.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xarunta Tababarka Ciidanka ee Generaal Kaahiye ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Cabdul Amiir Al-Shammari oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Cutubyo katirsan Ciidanka Boliiska ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday salaan sharaf siiyey, waxaana munaasibad lagu qabtay gudaha xarunta lagu soo bandhigay Taariikhda xiriirka soo jireenka ee labada dal, iyadoona la gudoonsiiyey Wefdiga Ciraaq Hadiyado kala duwan oo isugu jira Bilad sharaf iyo alaabaha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Imaanshaha Dalka ee Wegdiga uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Ciraaq ayaa xoojinaya xiriirka labada dal waxaana si gaar ah kor loogu qaadayaa wada shaqeynta dhinacyada Amniga , socdaalka, waxbarashada iyo tababar siinta laamaha ammaanka ee Dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles