Wednesday, March 12, 2025

MW Sheekh oo booqday askar ku soo dhaawacantay hawlgalada kasocda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hor tagey qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmey dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta ee caadeysatey daadinta dhiigga shacabka..

Madaxweynaha ayaa Allah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo geesiyaasha dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu ciribtirayo haraadiga kooxda Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka qaarkood.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles