Friday, March 14, 2025

MW Xasan Sheekh oo ka hadlay guullaha laga gaaray la dagaalanka Shabaab.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Jimcada kula tukaday masuuliyiinta Dowladda iyo shacabka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Halyeeyada Ciidamada Qaranku ay ka soo hoynayaan howlgallada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan Khawaarijtu.

Madaxweynaha ayaa ku hambalyeey guullaha ay furimaha dagaalka ka soo hooyeen Ciidanka qaranka qaybihiisa kala duwan Madaxweynaha ayaa Shacabka faray in ay garab istaagaan Ciidamada qaranka si goobaha tirada yar ee khawaarijtu ku dhuumanayso looga sifeeyo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles