Saturday, February 22, 2025

Taliyaha Booliiska oo ku baaqay in la xoojiyo doorka Amni ee saaran ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xarunta Taliska guud ee Ciidanka kula kulmay saraakiisha hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan ee ciidanka Booliiska .

Kulankaasi oo ahaa todobaadle  waxaa warbixino ku saabsan ammaanka looga dhageystay saraakiisha qeybta guud ee gobalka banaadir , hoggaanka baarista dambiyada CID, taliska La dagaalanka argagixisada iyo Hoggaanka Kormeerka.

Taliyaha Ciidanka waxa uu  saraakiisha uga mahadceliyey dadaalka shaqo ee ay hayaan,waxa uuna faray in la xoojiyo doorka ciidanka kaga aadan amniga dalka,gaar ahaan xilliggaan oo ay so dhowdahay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ,waxa uu si gaar ah shacabka uga codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka,isla markaana  ay laamaha Ammaanka gacan ka siiyaan ka hortagga falalka Khawaarijta iyo wax kasta oo keeni kara amni darro.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles