Tuesday, July 1, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Guddiga Farsamo ee wada hadalada kala dhaxeeya Itoobiya u dirtay Turkiga.

Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in wafdiga Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya wajiga koowaad ee wada hadallada farsamo ee kala dhaxeeya Dowladda Itoobiya ay tageen magaaladaasi.

Wasiirka warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Daud Aweys ayaa sheegay inuu qeyb ka yahay wafdiga Dowladda ee wada hadalaan uga qeyb galaya magaalada Ankara waxaana lagu doonayaa in lagu sii dardar geliyo hirgalinta qodobadii heshiiskii Ankara.

Barta uu ku leeyahay X ayuu Daud Aweys soo dhigay qoraal kooban waxaana uu yiri “Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara”.

Waxa uu Wasiirka Warfaafinta Daud Aweys uu hadalkiisa raaciyay “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam”.

Wajigaan ay isku arki doonaan guddiyada farsamo ee labada Dowladood ay iska soo xuleen ayaa diirada saari doono sidii ay Dowladda Itoobiya u heli lahayd marin biyood ganacsi oo ay Dowladda Soomaalita ku kormeeri doonto.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles