Friday, December 27, 2024

Denmark oo sheegtay in Soomaaliland u aragto qayb ka tirsan Soomaaliya.

Danjiraha Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen, oo bartiisa X/Twitter soo dhigay qoraal uu ku faahfaahinayo kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire. Axmed Macallim Fiqi, ayaa sheegay in is-araggaasi diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin turxaanbixinta hadalladii ka dhacay intii ay socdeen doorashooyinkii Somaliland, midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo iskaashiga labada dal.

Danjire Andersen ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid miro-dhal ah, laguna caddeeyey qodobo muhiim ah oo la xiriira hadal-hayntii ka dhalatay doorashooyinka Somaliland iyo walaaca ka yimid hadallada uu yiri, oo uu ku tilmaamay kuwo aan ulakac ahaynin.

“Shalay, waxa aan wadahadal miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire. Axmed Macallim Fiqi, si aan u caddeeyo hadallo ku gedaannaa doorashada Somaliland iyo walaaca ka dhashay waxyaabo si aan ula kac ahayn uga dhashay hadalladaas” ayuu yiri Danjiraha Denmark.

Waxa uu ku adkeystay in dowladda Denmark ay taageersan tahay midnimada dhuleed iyo siyaadada Soomaaliya, taasoo ay ku jirto Somaliland.

“Denmark waxay sii wadaysaa inay ixtiraamto midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Somaliland ay tahy qayb ka tirsan wasajirka” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Denmark iyo Soomaaliya ay yihiin laba saaxiib oo dhow, kuwaas oo wadaaga ahmiyado la xiriira dhisidda dowladnimo, la tacaalidda isbeddelka cimilada, iyo sugidda amniga iyo nabadda.

“Denmark iyo Soomaaliya waxay sii ahaanayaan xulafo iyo saaxiibada dhow, iyagoo wadaagaya ahmiyado muhiim ah oo ku saabsan dhismaha dowladnimada, isbedelka cimilada, nabadda, iyo amniga” ayuu hadalkiisa ku soo gababeeyay.

Hadalka safiirka Denmark oo ka dambeeyay markii Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS uu ugu yeeray in uu faahfaahiyo kalmadihii uu ka yiri Somaliland oo uu ku sifeeyay dal madaxbannaan, taasi oo ay dhibsatay dowaldda federaalka Soomaaliya, ayaa ah tallaabo wanaagsan oo ay xilgudasho ku samaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kuna ilaalisay siyaadada iyo wadajirka umadeed

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles