Sunday, December 22, 2024

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Taliyaha Magacaaban ee Booliska Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa booqasho sharafeed iyo salaam ugu tagay Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Diyaano. Xildhibaanadan ayaa taliyaha ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay, iyaga oo Alle uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee hortaalla.

Intii lagu guda jiray booqashadan Xildhibaanadu waxay si cad u muujiyeen taageeradooda iyo saaxiibtinimadooda siyaasadeed, iyagoo balan qaaday inay garab taagan yihiin ayna la shaqeyn doonaan si ay u fududeeyaan howlaha muhiimka ah ee horyaalla Booliska Soomaaliyeed. Xildhibaanada ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga iyo kala dambeynta dalka, iyagoo taliyaha kula dardaarmay inuu la yimaado dadaal dheeraad ah si uu u gaaro himilooyinka waaweyn ee laga filayo Booliska Soomaaliyeed.

Janaraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada taageerada ay u muujiyeen, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu si daacadnimo iyo karti leh ugu adeego shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar joogto ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles