Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin uu jiro kulanka, isla markaana ay kasoo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan maadaama Kulamo dhowr ah ay kooram la’aan y baaqdeen.
Ajandayaasha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay kala yihiin:
1: Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada & Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS).
Labada Hindise Sharciyeed ayaa waxaa Golaha Shacabka horkeenay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye).
Sidoo kale inta uu kulanka Golaha Shacabka Maanta socdo ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada loo jeediyo Warbixin ta Shirka Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Africa.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla Hindise Sharciyeedyo dhowr ah, kuwaas oo Xildhibaannada ay ka doodi doonaan kadibna ay ansixin doonaan.