Sunday, December 22, 2024

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo ka qeyb galay tartanka Qur’aanka kariimka ee ay ka qayb galeen Saraakiil Ciidan.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo xiray tartanka Qur’aanka kariimka ee ay ka qayb galeen Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka tartanka ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino ciidamadii kaalmaha koowaad, labaad, iyo saddexaad ka galay tartanka.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in muhiimad gaar ah la siin doono ciidanka xafida Qur’aanka, laguna qiimeyn doono aqoontooda diineed, isagoo xusay in horumarinta aqoonta diinta ay tahay mid ka mid ah mudnaanta waaxda amniga gudaha, si loo dhiso ciidamo leh aqoon iyo anshax wanaagsan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles