Sunday, December 22, 2024

Madaxweyne Deni oo ka digay in dib loogu laabto xaalad laga soo gudbay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC).

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey Shirka iyo dadaalka Hay’adda PDRC ee ku aadan Nabadda iyo isu keenista dadka Soomaaliyeed ee waxgalka ah ee isugu yimi Shirka, isagoo la wadaagay in fursadan looga dhex doodo xal u helista xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, in la illaaliyo wixii heshiiska lagu wada yahay, masuuliyadna la isi saaro oo dadka laga wada qeybgeliyo wixii xal u raadinta dalka ah oo aan la isku koobin.

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, isla markaana lagu soo aadiyey maalinta nabadda Adduunka, waxaa sanadka looga doodaya doorka Warbaahinta ee Nabadda.

Waxaa Shirka ka qeybgalay, Guddoomiye Ku-xigeenka Urur Goboleedka IGAD Ahna Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Goleyaasha Dowladda Puntland, Safaarada Sweden ee Soomaaliya, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’adda USAID, Qoreyaal Soomaaliyeed iyo wakiilo u dhaqdhaqaaqa Nabadda oo isaga kala yimi Dal iyo Dibad, Ururada Bulshada Puntland, Dhaqanka, Haweenka, dhallinyarada, Warbaahinta Puntland iyo weriyayaal iyana laga casumay Gobollada kale ee dalka iyo dibadda iyo marti sharaf kale.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles