Dowladda Soomaaliya ayaa maanta baajisay duulimaadyadii tagi jiray Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay maanta ka degi lahaayeen diyaaradaha Daallo & Itoobiya.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Hey’adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed ay ku wargelisey Daallo & Itoobiya in xiisad u dhaxaysa Xukuumadda Puntlabd iyo ciidanka gaarka ah ee PSF ay ka jirto magaalada Boosaaso, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil dhinaca duulimaadyada ah.
Puntland ayaa iyana dhinaceeda diyaaradaha Daallo & Itoobiya ku wargelisey in aysan Garoowe tagi karin, haddii ay qaataan amarka DFS.
Xaalwdda magaalada Boosaaso ayaa kacsan, iyadoo dadka qaar ay bilaabeen iney magaalada ka barakacaan cabsi ay ka qabaan in mar kale lagu dul dagaalamo darteed.