Wafdi Saraakiil ah oo Ka Socda Taliska Taakuleynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa socdaal ku maraya Goobalada shabeellada Dhexe, Hiiran, Galgaduud Iyo Mudug.
Saraakiishan ayaa U Kuur galay Xaalada ay Ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan farumaha dagaalka.
Saraakiisha ayaa ka hadlay Ciidamada iyo saraakiisha ku sugaan Farumaha dagaalka sidii loo dardargelin lahaa howlgalada lagula dagaalamayo Alshabaab loogana saari lahaa degaanada ay ku sugan yihiin.
Dhanka Kale Saraakiisha Taliska Taakuleynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Warbixino Ka dhageystay Saraakiisha Hogaaminaya Ciidanka Xoogga Dalka iyo askarta ku sugan Farumaha dagaalka.