Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Israel ay ka waddo Daanta Galbeed ee la heysto.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu aad uga walaacsan yahay weerarada Israel iyo dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Daanta Galbeed ay.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa dhimashada soo gaartay dadka rayidka ah ee ay ku jiraan carruurta, waxaana ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo hawlgalladan” ayuu yidhi.
Dhinaca kale,madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ka digay in ciidamada Israa’iil ay dagaalka ku fidiyaan ama ku kordhiyaan Daanta Galbeed ee la haysto.
Josep Borrell waxa uu soo jeediyay in Daanta Galbeed aysan noqon goob dagaal,maadaama Gaza uu soo gaaray burbur baaxad leh oo lagu arkay dhulka Falastiiniyiinta.
Sideed falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay la beegsatay iskuul ay gabbaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku sii jeeday bariga magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Gaza.
Weerarkii ugu ballaarnaa ee ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Daanta Galbeed ee la ayaa sii socda iyadoo ugu yaraan 12 falastiiniyiin ah la dilay, tobanaan kalena la dhaawacay maalintii ugu horreysay duullaanka ee bilowday Arbacadii shalay.
Tirada dhimashada Falastiin ayaa mareysa 40,534 qof ,halka dhaawacu uu gaarayo 93,778,kadib weeraradii bilowday 7 dii Oktobar ee sanadkii tagay.